Shir uga furmay Baydhabo Xeer ilaaliyaasha Federalka iyo Dowlad goboleedyada

0
419

Shirweynihii Labaad qaranka Ee Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed ayaa Maanta Ka Furmey Magaalada Baydhabo .

Shirkan ayaa Mudada Seddaxda Maalin Uu socodo Waxaa Looga Hadli Doonaa Xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Xeer ilyaaliyaasha Soomaaliyeed.

Waxana Ka soo qeyb galey Xeer ilaaliyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha Ka ah Dowladda Fedaraalka Soomaaliya , Hay’adaha Garsoorka Dalka, Taliyaha Ciidanka Boliska Degmada Baydhabo, Guddomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Iyo Kan KG iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka .

Shirka intuu socday Waxaa halkaasi ka hadley Qaar Ka Mid ah Xeer Ilaliyaasha Dowlad Goboleedyada Dalka , Koonfur Galbeed , Hiir-Shabeelle , Puntland, Galmudug, Jubbaland. Iyagoona Dhamantooda Si weyn usoo dhaweeyay Shirkan ayna Rajeynayaan In Qodobo Badani ka soo bixi Doonan oo lagu heshiiyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahmed Ali Muuse , oo Madasha Shirka Ka hadley ayaa waxaa uu shegay In Hay’adaha garsooka KGs ay Ubahan Yihiin in Gacan nalagu siiyo Tayeenta Iyo Tababarada.

Xeer Ilaaliyah Guud Ee qaranka Dr. Ahmed Ali Daahir ayaa Faafahiyaay Qadobada Looga Hadli Doono Mudada Seddaxda maalin uu socdo Shirkan .

Guddomiyaha Maxkamadda sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Ahmed , ayaa Si Rasmi ah Ufurey Shirka , ayaa Dhammaan Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed Iyo Hay’adaha garsooka kula dar daramey . in Shirkan Qodobo Mari dhal ah ka soo saraan si uu udhismo Garsoorka Dalka.

Muddo Seddax Maalin ayaa Shirka Baydhabo uga socon doonaa Xeer Ilaaliyaasha Soomaaliyeed kaasi oo Qodobo Badani Looga hadli doono.oo uu ka mid yahay Ururka Xeer Ilaaliyaashaa Soomaaliyeed.