Dhegeyso:- Qareenada Koonfur Galbeed oo sheegey in ay wacyegelin u sameyn doonaan bulshada si ay u fahmaan qareenku waxa uu yahay.

0
362

Ururka qareenada Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa wado dadaalo lagu hormarineyo Ururkaasi oo dhawaan ay doorteen Xubnaha ururka oo ugu horeeyo Gudoomiye, waxeyna sameeyeen sharciyo u gaar ah oo ay degsadeen.

Gudoomiyaha Ururka qareenada Koonfur galbeed Abukaate Cumar Macalin Abdi oo aan wareysanay ayaa sharaxaya tan iyo xiligii loo doortay gudoomiyaha ururkaasi waxa ay qabteen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamey in bulshada ay u qaban doonaan kulamo lagu wacyegelineya kaasi oo lagu bari doona Arimaha Qareenada si ay u fahmaan Qareenka Waxa uu bulshada u qabto.

Dacwadaha Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobalka baay ayaa u badan Arimaha dhulalka taasi oo hada si ku meel gaar ah u joojisey Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Dowlad-Gobaleedka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here