Dhegeyso:-Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo din u heshiisiinta koonfur galbeed oo tawabar aqoon isweydaarsi ah u qabatay Golaha deegaanka degmada Xudur.

0
495

Tawabarkan aqoon isweydaarsiga ahaa kuna saabsanaa kaalinta maamulka wanaaga iyo daadijinta awoodaha dowladda ayaa loo qabtay xildhibaanada golaha deegaanka degmada xudur ee xaruunta gobalka bakool waxaana soo qaban qaabisey wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose koonfur galbeed soomaaliya.

Ugu horeyntii ayaa goobta ka hadlay gudoomiyaha degmadaasi maxamed macalin axmed isagoona sheegey in ay ku faraxsan yihiin tawabarada noocaan ah.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka bakool ayaa golaha deegaanka u sheegey in ay ka faaideystaan aqoon isweydaarsigan

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Mustafa Sheikh Adullahi adaf ayaa ka warbixyey muhiimada tawabarkan uu leeyahay

Ugu dambeyntii wasiirka ku xigeenka wasaarda arimaha gudaha maxaad maxamed ciise ayaa tilmaamey in ay ka go,antahay in ay sii wadaan howlaha dowlad wanaaga kor loogu qaadeyo isagoona kula dardaarmey golaha deegaanka degmada xudur in ay bulshada u adeegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here