Dhegeyso:-MARKASKA IMMAAMU SHAADHIBI OO ARADY QURAANKA DHAMAYSAY MUNAASABAD UGU DHIGAY BAYDHABO

0
360

Munaasabad ay ku qalan jebineyeen ardey ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Maamuliyaal, Mcalimiin dugsi quraanka dhiga,waaladiin  Culmaaudiin iyo marti sharfa kale

Munaasabada uu jawigeeda ahaa mid degan ayaa intey socotay qudbado kala duwan laga soo jeediyey.

Ugu horeyntii ayaa Sheikh Maxamed Macalin kheyr oo ku hadleyey afka waaladiinta  iyo  Sheikh Xasan ayaa ka sheekeeyey qiimaha uu leeyahay macalinka quraanka dad bara iyo Fadliga quraanka uu leeyahay.

Cod

Qaar ka mid ah macalimiinta baratay cilmiga quraanka kariimka oo goobtaasi ka hadleen ayaa waxey sheegeen farqiga u dhaxeeya ka hor inta aysan wax ka baran Macahdkan

Cod

Ugu dambeyntii Maamulaha Machdka Imaamu Shaadhibi Sheikh ibraahim maxamed Ali oo ardeyda ka qalan jabineyaan ayaa ka warbixyey machdkan waxyaabihii uu soo qabtay ee ay hirgeliyeen.

Cod

Waa dufacdii 2aad oo ka baxda macahdka oo dhameysteen Cilmiga Quraanka kariimka.