Dhageyso: Kulan lagu dhiira galinaayay dhalinyarada hal abuurka leh oo baydhabo lagu qabtay

0
322

Kulan lagu weynenayey ahmiyada ay leyahiin dhalanyarada ayaa manta waxaa lagu qabtey magalada baydhabo xarunta gobolka bay Waxana kulan kaan ay so qaban qabisey wasaaradda shaqada iyo shaqalaha dowlad goboleedka konfur galbeed somaliya ,Ayadona kulan kaan ay ka soo qeyb galeen wasiiro xildhibaano dhalanyaro iyo qeebaha kale ee bulshada.

Waxaana Goobta kulanka uu ka socdey Hadalo bogaadin iyo dhiira galin isugu jira ka jediyey qaar ka mid ah masuulyinti ka so qeeb gashey kulanka.

Wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha dowlad goboleedka konfur galbeed somaliy feysal C/lahi cali ayaa dhalanyarada u sheegey in ay fikrad hal abuur ah la yimaadaan isagoona u balan qaaday in dhalinyrada kala shaqeyn doona wax weliba.

Qaar ka mid ah dhalinyarada halabuurka leh ee magaalada baydhabo ayaa ugu dambeyntii goobta lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf oo lagu dhiirigelineyey.