Xuska 8-da Maarso oo lagu qabtay Xudur

0
328

Munaasabadaan oo loogu dabaaldegayey Xuska maalinta Hawwenka Adduunka ee 8-da Maarso waxa soo qaban qaabiyey Ururka Haweenka Degmada Xudur, ayaa waxaa ka soo qeybgalay Haween ka kala yimid xaafadaha magaalada, Mas’uuliyiin iyo marta sharaf kale.

Ugu horeyn waxa ka hadlay munaasabada Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bakool Faadumo Samaan waxayna aad ugu deeraatey sida ay u cambaareynayaan kufsiga iyo dilka la isugu darayo Haweenka Soomaaliyeed, waxayna intaasi ku dartey in dhibaatada joogtada ah ee lagula kaco Haweenka Soomaaliyeed aysan ka niyadjabi doonin ka qeyb qaadashada Maamulada dowliga ah, kuwa aan dowliga aheyn iyo horumarada kala duwan.

Dowlaay Ibraahim Malaak waa guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Tiyeeglow waxayna sheegtay in haweenka Gobolka Bakool ay yihiin kuwo jecel dowladnimo, waxayna barakacayaasha degmada Tiyeeglow u rajeysay in munaasabadaan munaasabadeeda ay ku xusi doonaan Degmada Tiyeeglow, waxayna maamulka dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ka codsatay in laga shaqeeyo sidii Haweenka iyo carruurta muddo 2 sano iyo bar barakac ku ah magaalada Xudur Degmadooda loo xureeyo, isla markaana dib u dejina loo sameeyo.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Xudur Faadumo Cabdiraxmaan Maxamuud oo khudbad dheer ka jeedisey xuska Munaasabada 8-da Maarso ayaa hambalyo dirtey Haweenka Soomaaliyeed meelkasto dunida ka joogaan, waxayna sigaar ah tacsiyo tiirayo leh ugu dirtey qoyskii ay ka baxday marxuumad Caa’isha Ilyaas Cali oo kufsi iyo dilba la isugu darey kaa oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Maamul Goboleedka Puntland.