Soomaaliya iyo Turkiga oo ka iska kaashanaya dhinaca ammaanka

0
393

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa isku afgartay in ay sameeyaan iskaashi dhinaca ammaanka iyo gargaarka bini aadanimada ah.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka amniga gudaha ee dalka Turkiga Suleyman Soylu.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadoolu labada masuul ayaa yeeshay wadahadallo muhiim ah oo miro dhal ah.

Labada Wasiir ayaa qeexay sida ay uga go’an tahay hirgelinta heshiisyadii ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga intii lagu guda jiray sanadkii 2018.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aanay weligood iloobi doonin in dowladda Turkiga ay tahay dowladdii ugu horeysay ee garab istaagtay si ay Soomaaliya uga soo kabato xaaladihii bini’adanimo ee dalka ka dhacay sanadkii 2011-kii.

“Waxaanu yeelanay kulan miro dhal ah, saaxiibadeen dhibta naguma dhaafin, weligeen ma iloobi doonno Alle kaliya ayaana gudi kara abaalkii ay inoo galeen” ayuu yiri wasiir Isloow.

Wasiir Isloow ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab istaagi doonto marka ay Turkigu gacan u baahdaan waxa uuna ku casuumay wasiirka inuu soo booqdo Soomaaliya.

Dhankiisa wasiirka amniga dalka Turkiga Soylu ayaa ammaanay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid walaaltinimo in ka badan inta uu yahay mid diblumaasiyeed.

“Taariikhda xiriirkeenna baal dahab ah ayaa lagu qori doonaa” ayuu yiri Wasiir Suleyman Soylu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here