Aniga waan soo iibsaday Mohamed Salah ee ma aanan iibinin”

0
406

Macalinkii horey ee kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa iska indha tiray in Mohamed Salah uu iibiyay xiligii uu ku sugnaa kooxda Chelsea.

Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan marna ka codsanin isaga maamulka kooxda Chelsea inay iibiyaan Mohamed Salah, balse uu ka codsaday kaliya inay ku diraan qaab amaah ah, si uu ugu soo laabto Blues isagoo ah ciyaaryahan weyn.

Mourinho ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Daily Express” wuxuu kaga hadlay arintan wuxuuna yiri:

“Waxaan go’aansanay in Mohamed Salah uu ugu biiro qaab amaah horyaal fiican, wuxuu u dhaqaaqay Fiorentina oo ah koox fiican oo aanan ciyaarin kubad cadaadis ah, si ay ugu guuleystaan koob”.

“Waxaan go’aansanay in qaab amaah ah uu ugu dhaqaaqo kooxda reer Talyaani ee Fiorentina, marka ay kooxdu go’aansatay inay iska iibiso, ma ahayn codsi aniga iga yimid”.

“Aniga waan soo iibsaday Mohamed Salah ee ma aanan iibinin, qof kasta ee dhahaya in aan aniga go’aamiyay iibinta Salah, waxaan u sheegayaa isaga, inaysan taasi run ahayn”.

Waxaa xusid mudan in kooxda Chelsea ay heshiis la gaartay Mohamed Salah sanadkii 2014-kii, wuxuuna kaga soo biiray kooxda Basel aduun dhan 11 milyan oo ginni, laakiin ugu dambeyntii waxay go’aansadeen inay ka iibiyaan kooxda reer Talyaani ee Roma, kahor inta uusan ugu dambeyn ku biirin kooxda uu haatan ka tirsan yahay ee Liverpool.